Tiirka Bulshada

Tiirka Bulshada waa hay’ad samafal ah oo u heelan kor u qaadidda nolosha dadka tabaaleysan

What We Do

01.

— Waxa Cawina

xaaladaha degdegga ah ee u baahan gargaar bini’aadanimo

02.

— Waxa U qabana

gaarka caafimaad ama daryeelka dadka ka soo gaarta dabka ama shilalka

03.

— Waxa Sameyna

ka warqabista arrimaha haweenka, iyo ilmaha agoonta ah iyo cawink

What We Care For!

IMG 20250621 WA0035

Tiirka Bulshada waxaan u taaganahay inaan noqono garabka ay ku tiirsadaan kuwa aan haysan cid kale. Carruurtani waa mustaqbalkeenna, inaan noloshooda wax ka bedelno waa waajib na saaran. Midnimada iyo naxariistu waa tiirka ay bulshadeenu ku istaagto.
Tiirka Bulshada waxay had iyo jeer diyaar u tahay inay gaarto meelaha ugu fog ee ay ku dhibaataysan yihiin carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Inaan dhoolacaddeyn dib ugu soo celino wejiyada carruurtan waa hadafkeenna koowaad.

IMG 20250622 WA0010 684x1024

Ma jiro xanuun ka weyn inaad aragto ilmo yar oo la tacaalaya dhibaato ka weyn da’diisa. Tiirka Bulshada waxaan u taaganahay inaan qalbi-qaboojin iyo garab-istaag u noqono carruurtan oo kale. Naxariistaadu waxay u noqon kartaa rajo cusub.
Tiirka Bulshada waxay u taagan tahay inay codka caruurta gaarsiino meel kasta oo wax looga qaban karo. Ha noqon mid isha ka laabta, ee ka qayb qaado sidii ay caruurta u heli lahaayeen daryeel caafimaad iyo nolol ka wanaagsan tan uu hadda ku jiro.

IMG 20250622 WA0021

Tiirka Bulshada waxay u taagan tahay inay daryeel iyo rajo u soo celiso carruurta ay noloshu cidhiidhiga gelisay.
waxaan aaminsan nahay in canug kasta uu xaq u leeyahay nolol caafimaad leh iyo cunto ku filan. Noqo tiirka ay ku istaagaan kuwa tabarta daran, gacanna ka gee gurmadka aan ugu jirno

“Ma jiro xanuun ka weyn gaajada haysa canug yar. Tiirka Bulshada: Waxaan u taaganahay inaan tirtirno ilmo kasta oo ka dhalatay tabaaleeyo

IMG 20250621 WA0018

Waxaan aaminsannahay in qof kasta oo dhibaataysan uu xaq u leeyahay in gacanta la qabto, lana dareensiiyo inuu leeyahay tiir uu ku tiirsado.
waxaan had iyo jeer u taagan nahay inay garab istaagno dadka naafada ah iyo kuwa xanuunsan ee aan haysan cid u cawda. Inaan guryahooda ugu tagno oo aan daryeel u fidino waa waajib bini-aadannimo oo aan dhabarka u ridanney.

IMG 20250622 WA0053 603x1024

waxaan u taagan nahay inaan dhiirigelino oo ay gacantooda ku shaqeestaan dhabar-adayga iyo nolosha adagna ka gudbaan dhamaan bulshada. Sharaftaadu waa mid nagu qaali ah, garab-istaaggaaguna waa waajib na saaran.
Ma jirto dareen ka macaan inaad farxad geliso weji ay nolosha iyo da’du ka muuqato. Sawirkani waa mid ka mid ah howlaha joogtada ah ee Tiirka Bulshada ay ku daryeelayso dadka nugul ee bulshada dhexdeeda ku dhibaataysan. Adiguna qeyb ka noqo farxadda hooyadan oo kale.

IMG 20250621 WA0026

Inaan ilmadooda tirtirno waa hadafkeenna koowaad, balse mararka qaar xanuunka ayaan la qaybsanaa.
Dareenka ka muuqda sawirkan waa qaylo-dhaan ku socota qof kasta oo wax caawin kara. Tiirka Bulshada waxaan u taaganahay inaan bedelno nolosha kuwa ay noloshu cariiriga ku noqotay. Nagu gacan-sii inaan farxad ku bedelno ilmada hooyooyinkan iyo carruurta ay dhibaatadu hayso.